Wafti ka socda QM iyo Bangiga adduunka oo kusoo wajahan Muqdisho

Qoraal  ka soo baxay Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 12-ka Bishan uu Muqdisho soo gaari doonaan wafdi heer sare ah oo ka kala socda Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa iyo Bankiga Adduunka.

Ujeeddada booqashada wafdigan ayaa lagu sheegay sare u qaadidda howlaha Bini-aaddan-nimada Soomaaliya, taageeridda nabadda iyo dedaallada horumarinta Dalka.

Wafdigan ayaa sidoo kale waxaa uu socdaalkiisu salka ku hayaa sidii loo xoojin lahaa taageerada ay Beesha caalamku u fidiso Soomaaliya,  wax ka qabashada arrimaha barakacayaasha iyo sidii xal loogu heli lahaa xaaladaha Bini’aaddan-nimo.

Ugu dambayn Wafdiga ayaa la kulmi doona hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada xubnaha ka ah, waxanay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan hoggaamiyeyaasha Dadka kasoo barakacy Abaaraha iyo shaqaaqooyinka.