VIDEO: Wiil uu dhalay Maxamed Mursi oo ku dhintay Qaahira

Wiilka ugu yar ee uu dhalay madaxwaynihii hore ee dalka Masar Mohamed Morsi ayaa ku dhintay isbitaal ku yaalo caasimada dalkaasi ee Qaahira sida ay warisay warbaahinta Al Jazeera.

Abdullah Morsi, oo da’da labaatan meeyada ku jiray ayaa lasheegay in uu ladaalaa dhacayay xanuun dhanka wadnaha ah isagoona ku dhintay isbitaalka Giza ee ku yaala koonfur galbeed ee caasimada Qaahira.

Qoyska Mursi ayaa wakaalada wararka ee Anadolu u xaqiijiyay dhimashada balse faah faahin intaasi ka dheeri ah ma aysan bixinin.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Masar ayaanan wali ka hadlin dhimashada ku timid Abdullah Morsi.

Mohamed Morsi, ayaa ahaa madaxwaynihii ugu horeeyay oo si dimoqoraadi ah loo doorto, isagoona ku dhintay maxkamd ay dacwadiisa ka socotay 17’kii bishii june.

Sanadkii 213’kii ayaana madaxwayne Mursi xilka laga tuuray kadib inqilaab militari uu ku sameeyay madaxwaynaha haatan talada dalkaasi haya ee Abdel-Fattah el-Sisi.