XOG: Kooxda Daacish oo dooneysa inay Qaraxyo ka fuliso Garoowe & Bartilmaameedkooda

Kooxda argagixisada ah ee Daacish ayaa qorshaynaysa inay qaraxyo ka fuliyaan Magaalada Garoowe ee caasimada Dowladda Puntland, sida ay xaqiijiyeen Xogo lagu kalsoonaan karo.

Daacish ayaa la sheegay in qorshahoodu uu yahay inay Qaraxyadan fuliyaan 15-17 September, iyagoona bartilmaameedkoodu yahay Shirka Maal-gashiga Puntland oo xilligaas ka furmaya Magaalada Garoowe.

Ilo sirdoon ayaa ku waramaya in Daacish ay bartilmaameedsaneyso Hotelo ku yaalla Garoowe, kuwaas oo la filayo inay degaan Ergada iyo Martida ka qeyb-galaysa Shirweynaha oo isaga kala imaanaya Caalamka oo idil.

Xogo rasmi ah oo ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa tibaaxaya in Goobaha u bartilmaameedsan Argagixisada ay kamid yihiin Hotel Grand, Hotel Eyl iyo Hoolka weyn ee Madaxtooyada oo la filayo inuu Shirkani ka furmo.

Xogaha ayaa intaas ku daraya in Qaraxyadan uu fulintooda u xil saran yahay Nin kasoo jeeda Gobolka Bari, iyo kooxo kale oo caawin doona, kuwaas oo degaan ku ah Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe.

Xukuumadda Puntland ayaa sara u qaaday ammaanka Magaalooyinka waa weyn ee Puntland, kuwaas oo ay ka socdaan howlgallo culus, sidoo kale waxaa la xoojiyay amniga Caasimadda, gaar ahaan xarumaha Dowladda.