Dalalka ku yaalla Latin America oo heshiis ka gaaray Gubashada Keymaha Amazon

Dalalka ku yaalla  Latin America ayaa ku dhawaaqay heshiis wax lagaga qabanayo masiibooyinka dabiiciga ah ee ku habsada kaymaha Amazon ee dunida ugu ballaaran.

Todobadda dal ee heshiiska kala saxiixday ayaa kala ah Bolivia, Brazil, Colombia, Ecuador, Guyana, Peru iyo Suriname.

Heshiiskaan cusub waxaa uu  dhigayaa in dhir lagu beero meelaha xaalufiyay ee kaymahaas ka midka ah iyo sidoo kale sida looga falcelin doono masiibooyinka halkaa ka dhaca musqabalka iyo is weydaarsiga sawirada dayax gacmeedyadu qaadaan.

Heshiiska ay gaareen dawladaha Latin America waxa loola jeedaa in lagu muujiyo sida ay uga go’antahay dalalkaas wax ka qabashada dhibtaada ka dhacday kaymaha Amazon.

Waxay si gaar ah ugu heshiiyeen in la sameeyo shabakad ka hortagta masiibooyinka dabiiciga ah oo weliba isku du’da dedaaladooda mustaqbalka ee lagaga falcelinayo hadii dab mar dambe ka kaco kaymahaas oo haatan ba qaybo ballaadhan oo ka mid ah todobaadadii u dambeeyey dab ka socday.