DFS oo diyaarad ku qaaday Shacabkii ku dhaawacmay Qarixii Aw-dheegle

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarad uga qaaday Degmada Aw-dheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose, dad Shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino oo 4-tii bishan ka dhacay Aw-dheegle.

Qaraxa oo ahaa miino nooca Remote control ah oo meelaha fog fog laga hago, ayaa Shabaabku la beegsadeen Ciidan iyo Shacab Degmada Aw-dheegle ka waday olale nadaafadeed, waxaana qaraxaas uu sababtay dhaawaca 7 Ruux oo shacab ah iyo Askar, Iyadoona sidoo kale ay jirtay Dhimasho.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo mas’uuliyiinta degmada Aw-dheegle ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay dadkaasi u dirtay gurmad deg deg ah, lana geeyay dhaawacoodii Magaalada Muqdisho oo haatan lagula tacaalayo xaaladooda Caafimaad.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaan ka saaray Kooxda Al-Shabaab deegaanno badan oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, Iyadoona ay jiraan dhaqdhaqaaqyo kale oo Ciidanku ka wadaan Gobalada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.