VIDEO: Kheyre oo amar dul-dhigay Hay’adaha Caalamiga ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa hey’adaha caalamiga ah ee ka howl gala dalka, faray in sida ugu dhaqsaha badan si buuxda ay uga qayb qaataan dadaallada deegaannada Xeraale iyo Huurshe uga soo kabsanayaan saameyntii xumeed ee ay ku reebeen dagaalladii dhiigga badani ku daatay.

Sidoo kale, Kheyre ayaa ku amray  dhammaan hey’adaha dowladeed ee ku shaqada leh in adeegyada nolosha aasaasiga u ah ay geeyaan Huurshe iyo Xeraale si bulshadu uga soo kabsato dhibaatooyinkii ka soo gaaray colaadda.

Ugu dambeyntii, Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa ka dalbaday bulshadda degaanaddaasi Adkeynta Ammaanka iyo sare u qaadida adeegyadda nabadgaliyada kasoo ifbaxday degaanada Huurshe iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa shalay gaaray Degaanka Xeraale ee Gobalka Galguduud si uu Goobjoog uga noqdo dhaqan gelinta heshiiskii nabadeed ee reer Huurshe iyo reer Xeraale ay ku wada saxiixdeen Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug.