Kooxaha Daacish iyo Alshabaab oo isku dhac qarka usaaran

Kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab iyo Daacish,ayaa laga yabaa in uu dagaal ka dhex qarxo.

Maaleeshiyaadka kooxahan,ayaa isku hor fadhiya Deegaamo hoos taga Degmooyinka Qandala iyo Iskushuban.

Maleeshiyaad gaaraya 400 oo Alshabaab ah,ayaa soo fariistay Deegaanka Jaceel. .

Halka Maleeshiyo ku dhow 300 oo Daacisha ay fariisin ka samaysteen Buq ileed iyo Hoobato oo Deegaan ahaan udhaxeeya Qandala iyo Iskushuban.

Labada Maleeshiyo waxay isku jiraan wax ka yar 25-Km,iyadoo saacad walba la filan karo in uu iska hor imaad ka dhex bilowdo.

Maalmihii udanbeeyay waxaa jiray diyaar garow ay labada dhinac samaynayeen,iyadoo koox walba ay rabto in ay meesha ka saarto kooxda kale.

Dowlada Puntland ilaa iyo hada wax talaabo ah ma qaadin oo ay kaga hor tagayso kooxahaas.