VIDEO: Taliyaha Ciidanka Puntland oo gaaray Degmada Xiingalool (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puuntland S/gaas Yaasiin Cumar Dheere iyo saraakiil sarsare oo ka mida ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag.

S/Gaas Yaasiin ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo katirsan Ciidanka Difaaca Puntland ee ku sugan Degmada Xiingalool, isagoona ammaan iyo bogaadin u jeediyay Ciidanka oo uu sheegay inay yihiin Geesiyaal dalkooda difaacisa u diyaar ah.