Beledweyne: Waxgaradka Gobalka Hiiraan oo amar adag dul-dhigay Saraakiil ka socota DFS

Odayaasha dhaqanka Goblka Hiiraan oo goor-dhaweyd Saxaafada kula hadlay Magaalada Baladweyne, ayaa kasoo hor-jeestay qorshe ay Dowladda Federaalka dooneyso inay uga qaado Beledweyne ciidamo cusub oo dhowaan tababar loogu soo xiray Magaaladaas.

Dowladda Federaalka ayaa amartay in laga raro Magaalada baladweyne Ciidanka oo ah kuwo aan weli la qalabeyn, lana geeyo Magaalada dhuusmareeb.

Odayaasha ayaa amray in si deg deg ah ay Beledweyne ugu baxaan Saraakiisha uu hoggaaminayo Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Qooje, kuwaas Dowladdu ay u dirtay qaadista Ciidamadan ee hada baladweyne jooga.

Sido kale, Odayaasha ayaa Dowladda Federaalka ku eedayay fargali qaawan oo ay ku haayso Shacabka Magaalada Baladweyne.