Ciidanka Dowladda oo howlgallo culus ka wada degaano katirsan Sh/dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellaha dhexe ayaa saaka Howlgallo kala duwan ka wada Wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan ayaa yimid kaddib markii shalay gelinkii dambe Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay agagaarka tuulada Gololeey, iyada oo qaraxaasi uu ka dhashay khasaaro kala duwan.,

Ciidamada oo wata  Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay howlgalka sigaar ah uga wadaan Tuulooyinka laamiga saaran, sida Gololeey, Isgoys ilaa tuulada Qalimow oo 30-KM u jirta degmada Balcad, waxaana dadka wadadaasi ku safraya ay sheegeen in meelaha qaar ay Ciidamadu ka sameynayaan howlgal miino baaris ah.

Saraakiisha howlgalkan hoggaamineysa ee qeybta 27aad weli ma shaacin waxyaabo ay howlgalkaas kusoo qabteen.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay weeraro iyo qaraxyo ay qaarkood ku geeriyoodeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.