Seeraar oo qarka usaaran in uu heshiis la gaaro Axmed Madoobe

Wada xaajoodkii lagula jiray Seeraar waxuu marayaa gabagabo,waxaana la filayaa maalmaha soo socda in la shaaciyo waxa laysku afgartay.
Xogaha hoose ee aan ka helay wada xaajoodka ,ayaa waxaa laga xusi karaa dhawr qodob oo kala ah…

1.In Seeraar iskaga baxo Kismaayo kana tanaasulo sheegashadiisa Madaxweynaha Jubaland si waadixa.


2.In dhaqaale gaaraya Nus Milyan Dolar. farta laga saaro Seeraar si uu ufuliyo dalabkaas.

Wada xaajoodkan oo ay wadeen waxgarad udhashay beelweynta Cawryahan,ayaa ku dhow in uu kusoo idlaado guul.


Seeraar waa Ninka ugu miisaanka culus raga kasoo horjeeda Axmed Madoobe,isla markaana hubaysan. kana soo mii ahaa ragii doorka kulahaa xoraynta Jubaland.


Soo afjarida khilaafkiisa,waxay u tahay Jubaland talaabo horay loo qaaday siina xaqiijinaysa guusha Madaxweyne Axmed madoobe,sidoo kalena waxay dhabarjab ku tahay Raga kale ee kasoo horjeeda Axmed iyo kooxda Villa Wardhiigley.


Isku soo wada duuboo maalmaha soo socda yaya wax walba kala cadaan karaan hadii eebe idmo.