VIDEO: Degmada Ufeyn ee Gobalka Bari oo yeelatay Maamul Cusub (Sawirro)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowladda Puntland ayaa soo gabagabaysay Dhismaha Golaha Degaanka Degmada Ufayn ee Gobalka Bari, iyadoona xalay la qabtay Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Cusub ee Ufeyn.

Doorashada Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa oo ahayd mid ay dadka reer Ufayn Goobjoog ka ahaayeen, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Qoyska, Agaasimaha Waaxda Dimuquradiyeynta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Isu-duwaha Wasaaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Bari, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Taliyaha Qaybta Gobolka Bari, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Bari, isimo uu kamid yahay Beeldaajiye Cali Faarax, Nabadoono, Haween, Culimo, Waxgarad iyo Saraakiil.

Maxamed Axmed Saalax (Carabey), ayaa ku guuleystay Doorashada Guddoomiyaha Golaha Degaanka Degmada Ufeyn, halka Guddoomiye ku-xigeenka uu ku guulaystay Cadaysay Cabdi Cadaysay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa bogaadiyay Golaha Degaanka cusub Degmada Ufeyn, isagoona kula dardaarmay inay si wanaagsan u gutaan waajibaadka ay u egmadeen Shacabka Degmada Ufeyn ee Gobalka Bari.