VIDEO: Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galaya Sanadkan Shirka Golaha Guud ee QM

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkaan lagu wadaa in uu ka qeybgalo shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey,kaas oo ka dhacaya Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.

Wasiirka Wasaaradda Qosrehynta ee Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa xaqjiijiyey in Madaxweyne Farmaajo uu shirkaasi Sanadkaan ka qeyb-galayo, xilli uu ka hadlay shir ay Baydhabo ku yeesheen Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Wasiir Jamaal waxaa uu sheegay in shirkii Baydhabo loogu diyaar garoobayay shir ay yeelanayaan Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha caalamka  dhawaan kaas ooo ka dhacaya Magalada Muqdisho horaanta Bisha soo socota iyo Shirka Guud ee Qaramada Midoobay ee Magalada Newyork.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey aanan ka qeyb-gelin labadii sano ee la soo dhaafay sababo la xiriiray isaga oo heystay dhalashada dalka Mareykanka,hayeeshee uu ka tanaasulay iskana wareejiyay 1dii Bishii  August ee sanadkan.

Labadii shir ee la soo dhaafay ee ka dhacay Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka ee kala qabsoomay 2017 iyo 2018 ayaa waxaa ka qeyb-galay oo Madaxweyne Farmaao Wakiilo ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre & Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad.