Wasiirka Hawlaha Guud ee Puntland oo kormeeray waddooyin laga dhisayo Qardho (Sawirro)

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gadiidka iyo Guriyaynta Puntland Axmed Bashiir Muuse oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Karkaar Cabdicasiis Yuusuf Camir, Duqa Degmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan, Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Cabdiqaadir Jaamac dirir ayaa kormeer shaqo iyo booqasho ku tagay qaar ka mid ah xafiisyada dawlada iyo wadooyinka ka mid ah mashaariicda JPLG oo sanadkaan laga hirgelinayo Magaalada Qardho.

Ugu horayn wasiirku wuxuu booqday xarunta ay ku shaqayso Wasaarada Hawlaha Guud iyadoo ay ka socoto shaqada maalin laha ah, wuxuu u kuurgalay qaabka ay bulshada ugu adeegaan, wuxuu warbixino ka dhagaystay masuuliyinta xarunta.

Masuuliyiintu waxay si wadajir ah u booqdeen 3 mashruuc oo dawlada hoose ee Qardho ay gacanta ku hayso kuwaas oo kala ah laba laami iyo hal dhisme.

Gudoomiyaha Degmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan iyo Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye ayaa wasiirka uga warbixiyay shaqooyinka ka socda Deegaanka, xaalada guud ee Amni, shaqooyinka ay dawladu wado.

Wasiir Axmed Bashiir oo gabagabadii hadlay waxa uu Qardho ku amaanay sida ay uga faaidaysatay mashaariicda JPLG, si gaar ah waxa uu bogaadiyaya sida loo dhisay wadooyinka Shubka ah.

Ganacsatada iyo Qurba-joogta Qardho ayuu tilmaameyn in looga baahan yahay in ay wado dhisaan sida magaalooyinka kale ee Puntland.