Xawaadle oo diiday Ciidamadoodii loo rari lahaa Dhuusamareeb

Beesha Xawaadle oo ka hor timid qorshihii Khayre ee lagu daabuli lahaa Ciidamada duleedka Beledweyne lagu tababarayo.


Ciidamadan ,ayuu tababar uga socday Xerada lama galaay ee duleedka Beledweyne,waxaana qorshuhu ahaa in marka ay dhamaystaan tababarka la qalabeeyo kadibna amniga Beledweyne ay wax ka qabtaan,balse marka qura,ayaa laga war helay in Dhuusamareeb loo daabulayo.


Odoyaasha Gobolka,ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in aysan ogolaan doonin arinkaas,sila markaana aan ciidankooda loo qaadi doonin Dhuusamareeb.


Sidoo kale waxay Odoyaashu saacado uqabteen in ay uga baxaan Ciidamo iyo Gaadiid Dagaal oo u wato Qooje talyaha Ciidamada garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb oo saakay hiigtii Waaberi soo galay Beledweyne.


Waxaa gaaray Beledweyne Madaxweyne Waare iyo Wasiir Goodax lamana sadaalin karo xaaladu halka ay biyo dhigan doonto.


Jawiga magaalada,ayaa aad ukacsan una muuqda mid colaadeed.
Kooxda Nabad iyo Nolol,ayaa doonaya in ay Ciidamadan ku muquuniyaan Gobolka Galgaduud iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda ee kula loolamaya hogaanka Galmudug.