XOG: Madaxweyne Farmaajo dhowr qodob ku xiray sii deynta C/rashiid Janan

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu eedeeyay inuu Shuruudo ka dhan ah jiritaanka Dowlad Gobaleedka Jubbaland uu hor-dhigay Odayaal ka tagay Degaanada Gobalka Gedo, si ay ugala hadlaan DFS sii deynta Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Calinuur (Janan), kaas oo dhowaan Dowladdu ka qabsatay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Gudoomiye kuxigeenkii Guddiga Doorashooyinka Jubbaland Ahmed Maxamuud oo kamid ahaa xubno u tagay Muqdisho wada xaajoodka sii deyn Cabdirashiid Janan, ayaa sheegay in Madaxwene Farmaajo uu shuruudo Siyaasadeysan oo ku wajahan kala qeybinta Jubbaland ku xiray sii deynta Wasiirkii Amniga Jubbaland, wallow uusan abaarin waxa ay yihiin Shuruudahaas.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu ku xiray sii deynta Wasiir Janan, Dhowr qodob oo ay ugu horeyso in Ciidamada kamidka ah Jubbaland ee ka amar qaata C/rashiid Janan kuna sugan Gobalka Gedo uu ku wareejiyo Dowladda Federaalka, kuna amro inay fuliyaan amarada Saraakiil hoggaamintooda looga diray Muqdisho iyo kuwa Itoobiya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Odayaasha Dhaqanka Gobalka Gedo ay kaga soo kaceen Kulanka Madaxweyne Farmaajo, iyagoona tilmaamay inay kasoo tashan doonaan Shuruudaha uu hor-dhigay oo aheyn kuwo ay ka filayeen.

Dhanka kale, Xildhibaanada Beesha Mareexaan ayaa wada dadaalo ay doonayaaan in lagu sii daayo Wasiirka amniga Jubbaland, kuwaas oo la sheegay inay fashilmeen kulamo ay la qaateen Madaxweynaha Dowladda Federaalka, balse wada kulamo kale.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.