VIDEO: Wasaaradda Arrimaha Dibedda DFS oo xafiis muhiim ah ka furatay Puntland (Sawirro)

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xariga ka jaray Xafiis ay Garoowe ka furatay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiskan oo arrimaha Qunsuliyadaha u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqadiisu noqonaysa fududeynta Dukumentiyada qaadashada Baasaboorka oo awal loo aadi jiray Muqdisho.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka hadlay furitaankii Xafiiskan, wuxuu bogaadiyey in Garoowe laga hirgeliyay Xafiis ay leedahay Wasaaradda arrimaha dibadda oo fududeynaya Dukumentiyo iyo Waraaqo awal Safar iyo daahid lagala kulmi jiray.

Furitaanka Xafiiska arrimaha Qunsuliyadaha ee Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, Saraakiil ka socda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Taliyaha Ciidamada Booliiska Dowladda Puntland iyo Guddoomiyaha Degmada Garoowe.