VIDEO: Madaxweyne Karaash oo booqday xarunta Hay’adda “Puntland Forensic Science” (Sawirro)

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray xarunta Hay’adda Shaybaarka Sharciga ah ee Dowladda Puntland “Puntland Forensic Science”.

Hay’adda Forensic Science ayaa ah xaruntii ugu horeysay ee nooceeda laga hirgeliyo Soomaaliya, Xaruntan ayaa iyadoo adeegsanaysa Cilmiga Sayniska baarta kiisaska sida danbiyada, Hidasidaha DNA , Raadadka faraha iyo wax kasta oo lagu ogaan karo baaritaano loo aadeegsaday Saynis-ka.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhegaystey Masuuliyiinta Xarunta, wuxuuna kormeeray qeybaha kala duwan ee ay Xaruntu ka koobantahay.

Xaruntan Forensic Science ayaa ah xarunta ugu weyn ee Soomaaliya lagu baaro Hidasidaha DNA iyo kiisaska la xiriira faldembiyeedka u baahda baaritaano loo adeegsaday Saynis, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey Maamulka iyo Shaqaalaha xaruntan oo howl adag u haya Bulshada.