Sarkaal katirsan Puntland oo lagu dhaawacay Garoonka diyaaradaha Boosaaso

Talyihii ilaalada Canshuuraha Gobolka Bari ayay dhaawaceen shaqaale ka tirsan Shirkada Gaas-ka siisa Diyaaradaha ee Garoonka Boosaaso, Iyadoo haatan lagu dabiibayo Taliyaha mid kamid ah Isbitaalada Boosaaso.

Dhaawaca Taliyaha oo ka gaaraya dhanka surka, ayaa yimid kaddib markii Shaqaalaha Shirkada Dalmar laba ka mid ah ay gudaha garoonka ka bilaabeen qodida god aysan la socon laamaha Ammaanka.

Wararka ayaa sheegaya in intaas kaddib uu goobta gaaray Talyaha ilaalada Canshuuraha, isagoona ku amray inay joojiyaan qodista, balse way ku amar diideen sidaa ayuuna ku bilowday muranka gaaray gacan ka hadalka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa kusoo waramaya in dhaawaca soo gaaray Taliyaha uu ka dhashay Bustooladii uu watay oo si xirfadaysan ay u ga qaadeen shaqaalihii labada ahaa ee godka qodayay.

Ciidanka ammaanka oo goobta gaaray ayaa xabsiga u taxaabay Labadii nin ee dhaawacay Taliyaha, waxaana sidoo kale ay joojiyeen Godkii ay qodayeen.

Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli muddooyinkii ugu dambeeyay ay Dowladda Puntland dadaal ugu jirtay adkeynta ammaanka Garoomadeeda Caalamiga ah oo ay ka bilowdeen Duulimaadyo caalami ah