Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo shaqo joojin lagu sameeyay.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntlandd ahna ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Ciianka Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse (Gacmey), isagoona sidoo kale geliyay xabsi guri.

Amarka Madaxweyne ku-xigeenka ayaa yimid kaddib markii Gen. Muxyadiin uu iska diiday ka qeyb-galka kulan uu iclaamiyay Madaxweyne Karaash, kaas oo ay ka qeyb-gali lahaayeen Hay’adaha Garsoorka iyo Hay’adda Xaquuqul Insaanka.

Kulankan oo shalay baaqday ayaa looga arinsanayay xad-gudubyada ka dhanka ah Bulshada iyo Shuruucad, kaas oo lagu soo oogay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, ayna ugu waa weynaayeen;

  1. Dilkii Ninkii ugu danbeeyay ee Xeebta Bosaso ku dhintay.iyadoon hay”adaha garsoorku ka warqabin.
  2. Laalida dhamaan shuruucdii Booliska ka xakamayn lahayd bulshada.
  3. Udhicida guryaha fasax la”aanta garsoorka iyo la bixida Dad shacab ah.
  4. Dayaca iyo darxumada maxaabiista ku haysata Xsbsiyada,gaar ahaan kan Bosaso.

Khilaafkan cusub ee Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Hay’adaha Garsoorka iyo Xuquuqul insaanka, ayaa sababay inay istaagaan guud ahaan hawlgaladii Ciidamada Boolisku ay ka wadeen Puntland, gaar ahaan Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo digniino amni laga soo saarayay bishan September.

Si kastaba ha ahaatee, Shaqo joojinta iyo Xabsi guriga la galiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa kusoo aadaysa, iyadoo uu dalka ka maqan yahay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, kaas oo la filayo inuu maalmahan soo gaaro Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.