VIDEO: DFS oo ka hadashay inay Shabaab joojiyeen Dhismaha Garoonka Stadium Muqdisho

Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay joojiyeen dhismaah iyo Dayactirka Tuulada Ciyaaraha Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ee degmada Warta-Nabada Gobolkan Banaadir.

Garoonka Stadium Muqdisho waxaa Galabta booqday Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahadsi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehlinayeen Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye,wasiirka Warfaafinta Maareeye & guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish iyo kuxigeenkiisa Amniga iyo Siyaasada Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in howshii dhismaha & Dayactirka ee Stadium Muqdisho ay si caadi ah u socdaan,isla markaana ay been abuur tahay inay Shabaab joojiyaan,waxana uu sheegay inaysan jirin cid joojin karta.

Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo dadka ayuu sheegay inay uga digayaan baahinta wararka been abuurka ah,waxaana uu sheegay in sidoo kale ay baaritaano ku sameyn doonaan shirkadda heysata qandaraaska dhismaha,isla markaana ay wax ka weeydiin doonaan arrimhaasi.