VIDEO: Maxaa ka jira in lasii daayay Raggii geystay Kiiskii Caa’isho Ilyaas ?

Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Maxamuud Xasan Ow-cismaan, ayaa beeniyay warar been abuur ahaa oo lagu faafiyay baraha Bulshada, kuwaas oo sheegayay in lasii daayay Raggii xukumanayaasha ahaa ee kadanbeeyay dilkii iyo kufsigii Caa’isho Ilyaas Aadan oo aheyd Gabar 12 sanno jir ah, kuna nooleyd Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Xukumanayaashan ay gacanta ku heyso Dowladda Puntland, ayna sugayaan in lagu fuliyo Xukunkii ay ku rideen Maxkamadaha Saddexda Darajo.