Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo dood ku qabatay Degmada Bursaalax (Sawirro)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa Degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug ku qabatay Kulan doodeedka bulshada ee Arrimaha Dowlad wanaaga iyo isla xisaabtanka ee Degmada Bursaalax.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdiweli Mire Xirsi, ayaa ka qeyb galay kulankan oo ujeedadiisu aheyd sidii bulshada loo gaarsiin lahaa daadejinta Dowlad wanaaga iyo Isla xisaabtantka bulshada iyo Maamulka Degmada Bursaalax.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa Goob-joog ahaa Agaasimaha waaxda Dowladdaha Hoose Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Maxamed Gooje-Cade, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore iyo Maamulka Degmada Bursaalax.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdiweli Mire Xirsi, ayaa bogaadiyay Hormarada ka socda Degmada Bursaalax, kuwaas oo ay iska kaashanayaan Maamulka iyo Shacabka Bursaalax.