Wasiirka Maaliyadda Puntland oo dib loogu faxay Shaqadiisii

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa dib loogu fasaxay shaqadiisii, kaddib markii shalay shaqo joojin ku sameeyay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Karaash.

Talaabadan ayaa ka dambeysay dadaalo ay sameeyeen Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Masuuliyiin kale oo horey xilal uga soo qabtay Puntland, kuwaas oo isla goortiiba ku baxay khilaafka Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Karaash uu ka carooday amar diidooyin uu sameeyay Wasiirka Maaliyadda oo ah Saaxiibka dhow ee Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, kaas oo dabiib caafimaad u jira dalka Dibeddiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Wasiirka Maaliyaddu uu raalli-gelin ka siiyay Madaxweyne ku-xigeenka amar diidooyinkiisii, isagoona balanqaaday inuu si dhow ula shaqeynayo.

amarada uu siiyay Madaxweyne Karaash, Wasiirka Maaliyadda ayaa waxaa kamid ahaa inuu bixiyo Mushaaraadka Cutubyo katirsan Ciidanka Daraawiish-ta kuwaas oo maanta loo sii daayay Xaquuqdoodii.