Ciidanka K/Africa oo xabsi u taxaabay Dad ajaanib ah (Sawirro)

Ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa howlgal ay ka sameeyeen saacadihii la soo dhaafay Bartamaha magalada Johannesburg waxaa ay ku qab qabteen dad la sheegay in si Sharci darro ah ku joogeen dalkaas.

Dadka la xiray  oo ah Ajaanib ayaa ilaa iyo hadda la sheegay inay gaarayaan 29 ruux,kuwaas oo boolisku sheegeen inay heysan warqada u ugolaaneysa inay dalkaasi ku noolaadaan,isla markaana baaritaano kale oo dheeri ah lagu sameyn doono.

Sarkaal u hadlay booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay in dadla la xiray dhamaantood ee Sharci la’aanta ah qof waliba dalkii uu ka yimid dib loogu celin doono,sidoo kalena ay sii wadi wadi doonaan howlgallada ka dhan ah dadka Sharci darrada ku jooga dalka Koonfur Afrika.

Magaalooyin ka mid ah dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa dhawaan ka dhacay rabshado iyo boob loo geystay Hantida dadka Ajaanibta ah oo Soomaalida ay ku jiraan,waxaana taasi ay sababtay inay baqdin badan muujiyaan dadka Ajaanibta ah ee ku Ganacsada dalka Koonfur Afrika.