Ra’iisulwasaare Kheyre oo gaaray Degmada Xudur

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa ay gaareen degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa Garoonka diyaaradaha Magaaladas waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur GalbeedCabdi Casiis laftagareenoo kasii horeeyay,Maamulka Magalada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool degmada Xudur.

Dadweyne kala duwan oo ka kala yimid Xaafadaha degmada xudur ayaa isugu soo baxay Garoonka Kubadda Cagta Dr Waaberi ee degmada Xudur,halkaas oo la filayo in Ra’iisul Wasaaraha uu kula hadlo.

Ammaanka guud ee degmada Xudur ayaa aad loo adkeeyay,waxaana halkaasi ku sugan Ciidamada ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo kuwa Koonfur Galbeed,kuwaas oo amniga siweyn u sugaya.