Talye Sandaqad Oo hor istaagay dhismaha Guryaha Barakacayaasha Ee Gaalkacyo

Jaamac Maxamed Axmed Sandaqad Talyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug,ayaa si cad u hor istaagay 1200 oo Guri oo loo dhisayay Dad iskugu jira barakacayaal iyo Dad ku Xoolo beelay abaarihii dalka soo maray.

Hay’ada Qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR oo mashruucan loogu dhisayo Guryaha dadkaas maalgalinaysay,ayaa waxay si tijaabo ah uga dhistay 120-Guri ee Magaalada Gaalkacyo.

Guryahaas hordhaca ah ee la diyaariyay ayay ahayd in lagu wareejiyo qayb ka mid ah dadka barakacayaasha oo ay hay’adu soo xushay oo ahaana kuwii ugu mudnaa,ayay Maleeshiyo uu dabada ka riixayo Talyaha Booliska ay la wareegeen goobta.

Dhalinyarada qabsatay Guryaha,ayaa dalbanaya in Boqokiiba afartan si gaar ah iyaga loo siiyo Guryaha dhisan iyo kuwa danbe ee la dhisi doono.

Talyaha qaybta Booliska,ayay dhalinyaradan ehel hoose yihiin,waxuuna si cad ula garab istaagay hadal cad oo ku sheegayo in la qanciyo dhalinyarada.isagoona diiday in talaabo laga qaado.

Si hoose oo ana baarsi ugu sameeyay dhacdadan,ayaan ku ogaaday in Talye Jaamac uu soo abaabulay dhalinyaradan,isla markaana uu maalgaliyo si toos ahna xiriir uga dhaxeeeyo.

Waa nasiib daro in sarkaalkii ugu sareeyay amaanka Gobolka uu qayb ka nqodo moorayaanimo beelaysan oo lagu boobayo Hanti loogu talagalay dad tabaalaysan.