VIDEO: Axmed Karaash oo kormeeray Bangiga Dhexe ee Dowladda

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeer shaqo ku tegey Bangiga Dhexe ee Dowladda ee caasimadda Garoowe iyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa daaranaa korjoogtaynta sida ay u socoto shaqada muhiim ka ah ee ay hayaan xarumahaasi, Ku-simaha Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay Bangiga Dhexe ee dowladda, halkaasi oo ay ku sugnaayeen masuuliyiinta Bangiga iyo hawl-wadeenada Bangiga oo ku gudajira shaqadooda, waxa uu booqday dhammaan xafiisyada ay ka kooban tahay xaruntu.
Guddomiyaha Bangiga Cabdicasiis Ismaaciil Boos ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cimaan Karaash uu ku tegey Bangiga iyo kulan gaar ah oo ay wadaqaateen.

“Waxaa maanta kormeer noogu yimi Bangiga Dowladda Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, booqashada Madaxweynaha ayaa qayb ka ahayd kormeer uu ku samaynaayey hay’addaha Dowladda, wuxuu soo kormeeray waaxyaha, qaybaha, dhismayaasha iyo laamaha Bangiga”

“Intaasi markii ay soo idlaatay waxaanu Madaxweynaha wada-qaadanay shirgaara ah, waxaanu siinay warbixino la xiriira sida ay shaqadu u socoto iyo sidii Bangiga loo casriyeynlahaa si uu ula jaanqaado Bangiyada kale” Ayuu yiri Guddomiyaha Bangiga Dowladda Cabdicasiis Ismaaciil Boos.
Sidoo kale Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeeray Taliska ciidanka Booliska Puntland ee caasimadda Garoowe, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen.

Muxiyadiin Axmed Muuse, Ku-xigeenadiisa iyo taliyaha qaybta gobolka Nugaal G/Sare Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxa uu intaasi kadib kulan gaar ah la qaatay masuuliyiintaasi iyo hogaanada kale ee ciidanka Booliska Puntland.