VIDEO: Gen. Muxyadiin “Lama aqbali doono in hub lagu dhex qaato Garoowe”

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse, oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay amaro cusub oo laga soo saaray Amniga Caasimada Dowladda Puntland.

Gen. Muxyadiin ayaa digniin u diray Ciidanka iyo Shacabka hubka ku dhex qaata Caasimadda Puntland, isagoona tilmaamay inaan la aqbali doonin in hub lagu dhex qaato Magaalada.

Sidoo kale, Taliyaha Booliska Puntland ayaa amray in laga bilaabo 11-Sep, oo ku beegan berri in aan gudaha Garoowe lagu dhex arki karin Kabarada lagu iibiyo Qaadka.