VIDEO: Wasiir Abgaal “Waxaan Mushaar siin doonaa 3073 Shaqaale oo la ansixiyay”

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Jaamac Faarax Muuse, ayaa Liiska Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda Puntland ee ay Wasaaradu ansixisay ku wareejiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda.

Shaqaalahan uu Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku wareejiyay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa tiradoodu gaaraysay 3073 shaqaale, kuwaas oo ka shaqeeya Hay’adaha Dowladda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa sheegay inay bishan Mushaahar ay siinayaaan Shaqaalaha ay Wasaaradu soo gudbisay.

Si kastaba ha ahaatee, Waxaa kale oo jira shaqaalle intaasi aan ka badan oo aan ansixin ka haysan Wasaaradda Shaqada iyo Shaqalaha Dowladda Puntland.