Waddooyinka Dhuusa-mareeb oo lagu xiray Dhagaxyo waa weyn

Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa maanta adkeeyay Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug, Iyagoona waddooyinka qaar ku xiray dhagxaan iyo carro-tuur dhufeys ah, taasoo ku cusub magaalada.

Ciidamadan oo dhowaan ay Dowladdu geysay Magaalada Dhuusa-maeeb ayaa dhagxaan iyo carro-tuur ku xiray halka laga galo Madaxtooyada, halka shirka ka socdo iyo waddooyin kale oo muhiim ah.

.Ciidamada ayaa xiray wadada gasha xarunta uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug, waxaana saaka lagu arkayay Ciidamada oo wadada ku xiray carro-tuur, si aanay gaadiidka ugu gudbin, halka waddooyinka qaar dhinacyada laga dhigay.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu sugo amniga magaalada Dhuusamareeb oo dhowaan marti gelin doonta doorashada Hoggaanka Maamulka Galmudug, waxaana arrintani kusoo aadaysa iyadoo Labadii todobaad ee u dambeeysay ay magaaladaas ku qulqulayeen Ergooyin.