Xiisad u dhexeysa Ciidanka Somaliland iyo Shacabka oo ka taagan Laas-caanood

Xiisad u dhexeysa Ciidanka Maamulka Somaliland iyo Shacabka ayaa ka taagan Magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobalka Sool, Iyadoona Ciidanka Boolisku ay xabsiga u taxaabeen Dad Shacab ah.

Dadka la xiray oo tobaneeyo kor u dhaafaya ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen dad dagaal shalay kala horyimid Ciidanka Maamulka Somaliland oo wada howlo burburin ah, kadib amar kasoo baxay Wasaaradda Howlaha Guud ee Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in dadka la xiray oo isugu jira rag iyo Dumar ay xalay ku hoydeen Saldhiga Booliska Magalada laas-caanood, hayeeshee ay saldhiga tageen qaar ka mid ah Odayaasha laas-caanood,balse ay ku guul dareesteen dadaalo ay ku doonayeen in lagu sii daayo.

Mid ka mid ah Waxgaradka Magalada laas-caanood oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in mar walba ay dhibaato kala kulmaan Ciidanka Maamulka Somaliland ee ku sugan Magalada laas-caanood.

Magaalada laas-caanood ayaa dhowr jeer waxaa ku dagaalamay Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland iyo Dadka Shacabka ah oo maamul ahaan diidan Somaliland oo Magaaladaas maamusha.