Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday Heshiis Maalgashi

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Eng, Cabdullaahi Cali Xassan iyo Wasiirada Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Masar, Saxar Nasar waxay qalinka ku duugeen Heshiiska Isfahamka Maalgashiga Wadajirka ee labada dal.

Heshiiska Istaraatijiyada Iskaashiga Maalgashiga ee Somalia iyo Masar waxaa lagu saxiixay magaalladda Qaahira, kadib markii la soo gebagebeeyey Shirweynihii Labaad ee Guddiyada Ganacsatada ee Labada dal ee ka socday Qaahira.

Munaasabadda saxiixa ee Heshiiskaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha dalka Masar, Cumaru Nasaar iyo madax kale.