Madaafiic lagu garaacay Madaxtooyadda Villa Somalia

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa lagu garaacay Goor-dhaweyd Agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo ay ku dhaceen madaafiicdu goobo kala duwan.

Hoobiyayaashan oo gaaraya illaa saddex ayaa ku dhacay hareeraha Madaxtooyada, waxaana wararku ay sheegayaan in mid kamid ah madaafiicda uu ku dhacay agagaarka Safaaradda Itoobiya ku leedahay xeyndaabka Madaxtooyada.

Sidoo kale, Madfaca Labaad ayaa ku dhacay halka lagu magacaabo Kaambada oo ku dhegan Xarunta Taliska Booliska ee Commando Polizio, Iyadoona kan seddexaad uu ku dhacay Xaafada Caga Dhiig.

Illaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda Madaafiicdan, waxaana inta badan Madaafiicda hoobiyeyaasha ah ee lagu weeraro Madaxtooyadda sheegata Kooxda Al-Shabaab.