VIDEO: Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe (Sawirro)

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku maqnaa safar shaqo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Puntland.

Garoonka Diyaaradaha Gen Maxamed Abshir waxaa Madaxwaynaha ku soo dhoweeyay Madaxwayne ku Xigeenka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka,Golaha Wasiirada, saraakiisha Laamaha aminga iyo Siyaasiyiin.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash, ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Kusoo laabashada Caasimadda Puntland ee Madaxweyne Deni ayaa imaanaysa iyadoo la filayo inuu maalmaha soo Garoowe ka furmo Shirweynaha Maalgashiga Puntland.