Qaban-qaabada Shirweynaha Maal-gashiga Puntland oo ka socda Garoowe iyo Ganacsato

Shirweynaha Maalgashiga Puntland ayaa horaanta Todobaadka soo socda ka furmi doona Magaalada Garoowe ee Casimadda Puntland, Iyadoona haatan ay socoto Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro qabsoomida Shirkan.

Shirweynahan oo qabsoomaya (15-17) bishan September, ayaa waxaa kasoo qeyb-galaya Marti gaareysa 500 oo qof, kuwaas oo isugu jira Ganacsato iyo Ergooyin ka socda Shirkaddo Ganacsi iyo Dalalka daneeya Maal-gashiga, waxaana la filayaa inay maalmahan soo gaaraan Magaalada Garoowe.

Shirkan Maal-gashiga Puntland ayaa inta uu socdo lagu soo bandhigi doonaa Fursadaha Maal-gashi ee ka jira Mandiqada Puntland iyo Kheyraadka Eebbe ku maneystay, waxaana barbar socon doona Shirar doceeydo ay yeelanayaan Ganacsatada iyo Ergooyinka ka qeyb-galaysa Shirweynahan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo Shirkan horay ugu dhawaaqay ayaa shalay Dalka dib ugu soo laabtay, iyadoona ay socdaan kulamo looga arrinsanayo qabsoomida Shirweynaha iyo sidii Puntland ay u soo jiidan laheyd indhaha Caalamka.

Ammaanka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana bilowday howlgallo lagu tayaynayo amniga Caasimadda, kuwaas ay wadaan Ciidamo isku dhaf ah.