VIDEO: Ciidanka Daraawiish-ta Puntland oo la Tirakoobayo

Taliyaha Guud ee ciidamada difaaca Puntland Sareeye Gaas Yaasiin Cumar dheere ayaa xarunta Taliska guud ee ciidamada Puntland shir kula qaatay saraakiisha ciidamada difaaca waxaana kulanka looga hadlayay Tayeynta ciidamada iyo tirakoob kooda.

Sareeye Gaas Yaasiin Cumar dheere, Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa sheegay inay wadadaan qorshayaal kor loogu qaadayo aqoonta Ciidamada iyo Tirakoob-kooda si loo helo ciidamo Tayeysan, Tababaran, kuna filan amniga xuduudaha Puntland.