Maxaa kasoo baxay fadhigii Adis-ababa Ee golaha amaanka?

Golaha amaanka ee Qaramada midoobey fadhigoodii Adis-ababa waxuu ku aadanaa oo lagu qiimaynayay xaaladaha dalalka Koonfurta Sudan iyo Somaliya .

Xaalka Somaliya,ayuu goluhu ka xog waraystay wakiilka xoghayaha guud ee Somaliya James Swan.

Su’aalaha la waydiiyay wakiilka xoghayaha guud ee Somaliya,ayaa kala ahaa…

B.Arimaha doorashooyinka

T.Xiriirka dowlada fadaraalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah .

Wakiilka xogyahayaha guud oo ku bilaabay xog warankiisii arinta doorashooyinka,ayaa sheegay in aysan xiligan jirin wax qorshe doorasho ah oo diyaarsan,isla markaana ay aad uga niyad xun yihiin sida wax usocdaan.

Gudigii doorashadu waxuu sugayay sharci,kaasoo isagoon laysku waafaqsanayn golaha wasiirada la hor geeyay kadibna baarlamaanka loosii gudbiyay,isla mar ahaantaana Baarlamaanku usaaray gudi,balse ilaa iyo hada aan la garanayn meel uu marayo iyo halka uu ku danbeeyay”ayuu yiri Swam.

Sidoo kale majiraan wax qorshe dooorasho ah oo ay Dowlad Goboleedyadu qayb ka yihiin ama ay ku qanacsan yihiin,ayuu Swam markale yiri.

James Swan oo ka hadlayay qodobka labaad ee ah xiriirka dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah,waxuu golaha uxaqiijiyay in uusan jirin wax xiriir iyo wada shaqayn ah oo ka dhaxeeya dowlada fadaraalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Mar uu ka hadlay wakiilka xoghayaha guud doorashadii Jubaland,waxuu sheegay in ay la socdeen nidaamka doorasho ee Jubaland arimo ay usoo jeediyeen in ay wax ka badalaana ay ka aqbaleen sidoo kale kuwa kale ay ka gaabiyeen wax ka badalkoodii.

Dowlada fadaraalka waxay naga codsatay in aan faragalino doorashadii Jubaland,balse waan ka baaqsanay arinkaas,anagoo ka taxadarayna in aysan lumin doorka dhex-dhexaad ee qaramada midoobey,ayuu yiri James Swan.

James Swam waxuu galaha usoo jeediyay in ay muhiim tahay wada shaqayn dhexmarta dowlada fadaraalka iyo dowladaha xubnaha ka ah,si taa loo helana la saaro dhinacyada cadaadis caalami ah.

Isku soo wada duuboo fadhigii UNSC,waxuu kusoo idlaaday in goluhu ka codsaday wakiilka xoghayaha guud ee Somaliya James Swan soo diyaarinta qorshe ku aadan sida xalka uu noqon karo.ka hor shirka sanadlaha ah ee qaramada midoobey.