Ciidanka Dowladda oo ku dagaalamay Dhuusamareeb

Iska hor imaad u dhexeeya Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Ciidanka ayaa Saaka xilli hore ku dagaallamay meel u dhow Garoonka Dhuusamareeb oo ay Saldhig ku lee yihiin Ciidanka DANAB.

Hal Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay iska horimaadka, waxaana sidoo kale goobta gaaray Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka.

Magalada Dhuusamareeb ayaa horay siddaan oo kale waxaa uga dhacay iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamo kala tirsan Booliska iyo Nabadsuggida Soomaaliya, waxaana arrintani ay imaaneysa xilli halkaas uu ka socdo Shirweynaha Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug.