Halkee marayaan hawlgalada Xoojinta amaanka Puntland?

Hawlgalada xoojinta amaanka ee ka socda guud ahaan Puntland,gaar ahaan caasimada garowe wali kama soo bixin natiijo ka weyn in baqdin lagaliyay kooxaha argagixisada ah.

Laamaha amaanka oo aan xiriir hoose la sameeyay waxay ii xaqiijiyeen in aysan jirin cid bartilmaameed ahayd ama mid is kadis ah loola kulmay ilaa iyo hada gacanta la qabtay.

Sidoo kale Hub ama waxyaabaha qarxa oo gacanta lagu dhigay majiraan.

Laamaha amaanka ,gaar ahaan kuwa sirdoonka waxay ka cawdeen ama dhaliileen qayb ka ahaanshaha hawlgalada Ciidamada uqaabaysan sida Maleeshiyaadka ee uu wato Talyaha Booliska Puntland Muxyidiin,kuwaas oo aad moodo in ay usii digayaan kooxaha lagu raad joogo.

Beri waxaa Garowe ka furmaya hadii eebe idmo shir heerkiisu sareeyo oo ay kasoo qaybgali doonaan madax iyo shirkado ganacsi.