Maxaa kasoo baxay kulankii PDRC iyo Midowga Yurub?

Kulamo ka socday Nayrobi oo ay yeelanayeen beesha caalamka,gaar ahaan Midowga Yurub (European Union) iyo Puntland Development Research Center(PDRC)ayay xoguhu sheegayaan in ay is afagrad kusoo idlaadeen.

Arinta ugu waynayd ee kulanka labada dhinac horyaalay,ayaa ahayd barnaamijka Dimuqraadiyaynta Puntland oo horay ay ula fulin jirtay deeq bixiyayaasha xarunta PDRC,balse hada ay girgirka kula qabsatay xarunta kale ee SIDRA oo uu aas-aase ka yahay Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Guuleed Saalax.

Xogtu waxay sheegaysaa in labada Xarumood loo kala qaybin doono socod siinta barnaamijka Dimuqraadiyaynta.

SIDRA,ayaa markii hore qorshaysatay fulinta barnaamijkan,iyadoo ka faa’idaysanaysa doorka Agaasimaheedii u xiibsiibtay Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Puntland Guuleed Saalax.

Deeq Bixiyayaasha maalgalinaya barnaamijka Dimuqraadiyaynta Puntland,ayaa qiimayn ay sameeyeen kadib go’aamiyay in xarunta SIDRA oo kaliya aysan ku filnayn fulinta Mashuuca.

Xarunta SIDRA malahan khibrad soo jireeneed oo layskaga halayn karo,sidoo kale xiligan mahaysato khabiiro ku xeeldheer arimahan,waxa kaliya ee aan ku aragnay xaafiisyada Xarunta waxay tahay Afar Nin oo u dhashay dalka Kenya oo ana wax badan kala socon Dimuqraadiyaynta Puntland iyo Gabar Xoghayn ah”sidaa waxaa igu yiri mid kamid ah dadkii qiimaynayay awooda SIDRA uleedahay fulinta barnaamijka baaxada weyn ee dimuqraadiyaynta Puntland,iyadoo kaligeed ah.

PDRC,ayaa haysata khabiiro ku filan socodsiinta barnaamijkan,isla markaana ay udiyaarsan yiihin xogo aad muhiim u ah oo lasoo ururinayya 10-kii sano ee udanbeeyay.

Kulanka waxaa kaloo lagu gorfeeyay sida aan xogta ku helay arimo ku aadan nidaamka fadaraalka iyo wada shaqayn la’aanta xiligan taagan ee Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraaliga ah doorka ay ka qaadan karto PDRC.