Maxaa kasoo bixi doona Shirka Maaliyada iyo canshuuraha Ee Adis?

Shirka Adis-ababa ee Dhaqaalaha iyo Canshuuraha Somaliya oo ka furmay caasimada itoobiya ee Adis-ababa.

Shirkan oo ay ahayd in uu ka dhaco Nayrobi,ayaa laga soo wareejiyay ka gadaal markii madaxda Dowlada Dhexe ee Somaliya ay ka cudurdaarteen tagida halkaas.

Xog badan markaan ka baadi goobay shirkan iyo qorshayaasha horyaala iyo waxa kasoo bixi kara,waxaan soo xaqiiqsaday in uusan dhaafsiisnayn Siminaar dhawr beri ah oo uu qabanayo Baanka Aduunka.

Shirarkii hore waxba kama duwana. Sida hadda wax yihiina wax badan kama soo baxayaan.

Puntland waxaa shirkan ku matalaya Wasiirkii Maaliyada,Wasiiru Dawlihii maaliyada ,Agaasimihii Guuud,afar La-taliye iyo 4-Xildhibaan oo gudiga dhaqaalaha iyo Sharuucda ah uqaabilsan Baarlamaanka Puntland.

”Miisaanka ay Puntland siisay shirkan uma qalmin,iyadoo ay ku filnayd mataalada Puntland ee kulankan Agaasimaha guud ama Wasiiru-Dowlaha”sidaa waxaa igu yiri aqoonyahan si gaar ah ula socda arimaha laga doodayo horayna xilal kala duwan uga soo qabtay Fadaraalka.