Qabanqaabadii ugu danbaysay Ee shirka maalgashiga Puntland oo socota

Shirweynaha Maalgashiga Puntland ayaa berri ka furmi doona Magaalada Garowe ee Casimadda Puntland, Iyadoo haatan ay socoto Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro qabsoomida Shirkaas.

Shirweynahan oo qabsoomaya (15-17) bishan September, ayaa waxaa kasoo qeyb-galaya Marti gaareysa 700 oo qof, kuwaas oo isugu jira Ganacsato iyo Ergooyin ka socda Shirkaddo Ganacsi iyo Dalalka daneeya Maal-gashiga,

Madaxda kasoo qaybgalaysa,ayaa waxaa ka mdi ah Madaxweynaha Dowlad deegaanka Somalida Mustafe Cagjar,Madxaweynaha maamulka Oromada iyo Gudoonka maamulka Gaarisa ee Kenya.

Shirka Maal-gashiga Puntland ayaa inta uu socdo lagu soo bandhigi doonaa Fursadaha Maal-gashi ee ka jira Mandiqada Puntland iyo Kheyraadka Eebbe ku maneystay, waxaana barbar socon doona Shirar gaar gaar ah ay yeelanayaan Ganacsatada iyo Ergooyinka ka qeyb-galaya Shirkaas.

Shirkan oo ka qaybgalkiisa ay Puntland dul saartay lacag ku galid ah oo dhan 5000 oo dolar,ayaan hada xog ku helay in hoos loo dhigay lana gaarsiiyay 500 oo dolar,kadib cabasho ka timid ganacsatada reer Puntland.

Dadka ka socda dhanka Puntland ee ka khudbayn doona shirka furmi doona beri foog hadii eebe idimo waxay kala yihiin Madaxweyne Deni,Wasiirka ganacsiga iyo Gudoomiyaha gudiga doorashada Guuleed Saalax sida aan kasoo xigtay mareegta loogu talagalay shirkaas.

Isku soo wada duuboo beri foog waxay Puntland u noqon doontaa maalin muhiim ah oo ay hal talaabo horay ugu qaaday horumarkeeda