Ra’iisulwasaare Kheyre oo gaaray Marka

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa goor dhow gaaray magaalada Marka ee xarunta u ah Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Mas’uuliyiin iyo bulshada magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu gaaray Marka waxaa uu meel fagaare ah kala hadlay shacabka magaalada, waxaana uu sida caadiga aheyd uu dadweynaha ku sallaamay tixdiisa aheyd Ma Nabad Baa.

Mr Kheyre ayaa la filayaa inuu magaalada Marka kaga dhawaaqo mashaariic horumarineed oo dowladda ka fulin doonto magaaladaas oo ay go’doomiyeen Al-Shabaab.