Video:-Warshadaha saliida sifeeya Ee Sacuudiga oo la weeraray

Warbaahinta Sucuudiga ayaa ku warantay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka la yidhaa ay weerareen oo dab qabad siiyey laba wershadood oo kuwa shidaalka ah oo ay leedahay shirkadda dawladda ee Aramco.

Muuqaallo goobahaa laga soo duubay ayaa muujinaya olol iyo qiiq ka kacaya Abqiiq oo ah wershadda ugu weyn dunida ee saliidda sifaysa.

Weerar labaad oo ay qaaday diyaarad aan duuliye lahayn ayaa isna lagu ekeeyey wershadda shidaalka ee Khurays ee dhanka galbeed ee Sucuudiga. Dabkii ka kacay labada wershadood ba haatan waa xakameeyey ayey ku waramaysaa warbaahinta dawladdu,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka