MAXAAD KA TAQAAN MAGAALO XEEBEEDKA GARACAD, LAGANA DHISAYO DAKAD HEER CAALAMI AH ?? (Warbixin)

Garacad waa magaalo qadiim ah lagana xukumo Dagmada Jariiban, Ee Gobolka Mudug Caasimadna ay u tahay Gaalkacyo. Garacad waa magaalo xeeb leh jawi dagan cimilo wanaagsana leh, waa magaalo aan laheyn buuro iyo dhul kala dhaadheer. waa magaalo ku wanaagsan daaqsinka xoolaha iyo beeraha waxaana ku nool ugaartii Soomaliya ka haajirtay, sababtuna tahay in aan la ugaarsan karin.!

Garacad waxay masaafo dhulka ah u jirtaa Caasimada Mudug ee Gaalkacyo 245 klm. halka magaalada xeebta leh ee Eyl iyo Garacad isku jiraan 128 klm. Sidoo kale Hobyo iyo Garacad waxay isku jiraan 230 klm. Jihada afaraad Garacad waxaa ka xigta badweynta Hindiya.

Garacad waxay leedahay Hospital loo dhameystiray dhamaan agabka caafimaad iyo MCH-yo ay maamulaan dhakhaatiir takhasusyo kala duwan leh, sidoo kale waxay leedahay xarumihii waxbarashada sida:- Dugsi hoose, Dhexe iyo sare oo ay dhigtaan arday fara badan. waxay magaaladu leedahay masjid ku yaal bartamaha magaalada oo ay ku cibaadaysan karaan 1000 qof. Magaaladu waxay leedahay biyo galin iyo koronto 24 saac online ah. waxaa dagan labada shirkadood ee isgaarsiineed Golis iyo Somtel oo magaalada ka haqabtiray dhanka xawaaraha Internet-ka.

Waxaan la dhayalsan karin wadada dheer ee isku xirta Galkacyo iyo Garacad oo wajigii koowaad la dhigay caro-kaawo si loo hagaajiyo isku socodka gaadiidka iyo dadka usoo dalxiis tagaya Garacad. Dhawaana waxaa la dhigi doonaa laami tayo wanaagsan leh, waxaana gacanta ku haya shirkada Wadaagsin oo iskaa wax uqabso intii badneyd kusoo waday iyo hay’ada wadooyinka Puntland.

Garacad waa magaalo koraysa waxayna u dhismaysaa si xawli ah waxaa dagay shirkado ku tartamaya bilicda magaalada oo waxaa ka socda dhismayaal dhaadheer, qurba joogna way dhisanayaan kana iibsanayaan dhulal ku yaal goobo muhiim ah. Bilaha soo socdana waxaa magaalada Garacad loo sameyn doonaa qorshe magaaleed (Town Plan) si loo hagaajiyo bilicda dhismayaasha iyo wadooyinka maadaama Garacad dhawaan noqon doonto magaalada Ganacsiga Geeska Africa markii xariga laga jaro DAKADA.

Waxaa cajiib ah in magaalada Garacad laga hirgalinayo oo dhismaheedii hadda socdo Mashruucii ugu weynaa ee abid Ganacsato Soomaaliyeed maalgashanayaan waana DAKAD hadda gacanta lagu hayo oo dhammaan qalabkii lagu dhisi lahaa iyo shaqaalihii dhisayay gacanta ku hayaan. Dakada waxaa xariga laga jari doonaa 2sano ka dib sida ay sheegtay shirkada dhisaysa. Waxaa qandaraaska dhismaha DAKADA GARACAD la siiyay Shirkad laga leeyahay Dalka TURKIGA.

FURSAD MUHIIM AH: Dawlada Puntland waxay marti galisay kulan balaaran oo loogu magac daray, MAALGASHIGA PUNTLAND waxaa madasha kulanka furi doona Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Said Abdullahi Deni wuxuuna furmayaa 15 September, 2019 wuxuuna ku egyahay 17 September, 2019. Dawlada Puntland waxay soo bandhigi doontaa kheyraadka muuqda ee dabiiciga ah, iyo kuwa dhulka iyo buuraha salkooda ku dadan ee xogtooda la hayo. waxaa kulanka lagu casumay shirkado heer caalami ah, kuwo dalka ka dhisan, maalqabeeno aduunka caan ka ah, dawladaha dariska nala ah, bahda saxaafada local iyo International-ba. waxaa si live ah looga daawan doonaa kulanka TV-yo caalami ah sida Aljaziira, CCN, ALCARABIA, BBC iyo qaar kaloo badan. Dakada Garacad waxay ka mid tahay fursadaha maalgashi ee lagu soo bandhigi doono madasha.

BARO DALKAAGA OO MAALGASHO ADIGOO DUNIDA DAAFAHEEDA JOOGA.

GUDOOMIYAHA GARACAD: Mohamud Mohamed Abdille Ali (Shoox)

W/Q: Abdirizak Hussein Badwi (Rijaal)