Maxay tahay ujeedada safarka Madaxweyne Farmaajo Ee Dhuusamareeb?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta berri ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaasoo uu ka socdo shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb-galo gabagabada shirweynaha dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo muddo todobaad ka socday Dhuusamareeb, waxaana ka socda Magaaladaas qabanqaabada soo Dhaweynta Madaxweynaha.

Shirweynaha beelaha Maamulka Galmudug oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 500 oo ergo ka socday beelaha dega Galmudug, ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo Todobaadkan, iyadoona wararku sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmi doono Ergooyinka beelaha qaarkood, kuwaas oo uu kala hadli doono Tabashadooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku guuleystay inay meesha ka saarto Xukuumaddii heysay Talada Galmudug ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Xaaf, iyadoona ku dhawaaqday dhismaha Galmudug Cusub, waxaana dadka saadaliya Siyaasadda ay ku tilmaameen in Xukuumadda Federaalka ay dooneyso inay soo dhisato Galmudug ay ku gasho olalaha Doorashada DFS ee 2020-ka.