Shirweynaha Maal-gashiga Puntland oo maanta furmaya

Shirweynaha Maalgashiga Puntland ayaa maanta ka furmaya Magaalada Garoowe ee Casimadda Puntland, Iyadoona haatan ay socoto Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro qabsoomida Shirkan.

Shirweynahan oo soconaya (15-17) bishan September, ayaa waxaa kasoo qeyb-galaya Marti gaareysa 700 oo qof, kuwaas oo isugu jira Ganacsato iyo Ergooyin ka socda Shirkaddo Ganacsi iyo Dalalka daneeya Maal-gashiga, waxaana la filayaa inay maalmahan soo gaaraan Magaalada Garoowe.

Shirkan Maal-gashiga Puntland ayaa inta uu socdo lagu soo bandhigi doonaa Fursadaha Maal-gashi ee ka jira Mandiqada Puntland iyo Kheyraadka Eebbe ku maneystay, waxaana barbar socon doona Shirar doceeydo ay yeelanayaan Ganacsatada iyo Ergooyinka ka qeyb-galaysa Shirweynahan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo Shirkan horay ugu dhawaaqay ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furo, isagoona ka jeedin doona Khudbad uu uga hadlayo Fursadaha Maal-gashi ee ka jira Puntland iyo Meelaha ay doonayaan in la maal-geliyo.

Ammaanka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana socday maalmihii ugu dambeeyay howlgallo lagu tayaynayo amniga Caasimadda, kuwaas ay wadaan Ciidamo isku dhaf ah.