Madaxweyne Deni “Sanadkan gudihiisa ayaa si rasmi ah loo bilaabaya Dhismaha Dekedda Boosaaso”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullahi deni ayaa sheegay in Sanadkaan Gudihiisa la bilaabayo Dhismaha Dekedda Boosaso walow uu Xusay ineysan Muhiim aheyn iney sheegaan wakhtiga rasmiga ah ee la bilaabayo shaqada.

Madaxweynaha oo la halayay BBC-da ayaa la weydiiyay iney jiraan dad shaki ka qaba inuusan hirgaleyn mashruucaasi oo uu horay u balan qaaday in la bilaabayo Bishan September balse aysan waxba ka suurtoobin, wuxuna sheegay iney Hirgalin doonaan Mashruucaasi.

Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa sheegay iney ku guuleysteen Dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Dowladda Ka soo horjeeda, Islamarkaana la wiiqay Awoodooda, Walow ay weli jiraan Falal amni darro oo ka fuliyaan Magaalada Xeebta ku taala ee Boosaso.

Mashruuca dhismaha Dekedda Boosaaso ayaa waxaa horey ula saxiixday Shirkadda DP World Xukuumadii hore ee Madaxweyne Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, iyadoona heshiiskaas uu dhigay in Shirkaddu ay labo sanno gudahood ku hirgeliso Deked Caalami ah, sidoo kalena Maamulka Dekedda ay qeyb ka ahaato 30 sanno.