Shirweynaha Maal-gashiga Puntland oo maalintii labaad galay

Shirweynaha Maalgashiga Puntland ayaa maalintii labaad ka socdo Magaalada Garoowe ee Casimadda Puntland, Iyadoona ay ku sugan yihiin Ganacsato waa weyn.

Shirweynahan oo shalay furmay ayaa soconaya (15-17) bishan September, waxaa kasoo qeyb-galaya Marti gaareysa 700 oo qof, kuwaas oo isugu jira Ganacsato iyo Ergooyin ka socda Shirkaddo Ganacsi iyo Dalalka daneeya Maal-gashiga, Aqoonyahano, Siyaasiyiin iyo Marti sharaf kale.

Shirkan Maal-gashiga Puntland ayaa lagu soo bandhigayaa Fursadaha Maal-gashi ee ka jira Mandiqada Puntland iyo Kheyraadka Eebbe ku maneystay, waxaana barbar socda Shirar doceeydo ay yeelanayaan Ganacsatada iyo Ergooyinka ka qeyb-galaysa Shirweynahan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo Shirkan shalay furay ayaa sheegay in looga gol lee yahay Shirweynahan in Puntland loo soo bandhigo caalamka, si Mustaqbalka dhow ay u hesho Maal-gashi looga maarmo deeqaha Beesha Caalamka ay siiso Soomaaliya.